Roobab xooggan oo dabaylo wata ayaa shalay iyo xalay ka da’ay degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Karkaar gaar ahaanna degaannada ku teedsan xeebta sida ay xaqiijiyeen Maamulka Gobolkaas.
Roobabka ayaa khasaare kala duwan ka gaystay magaalada Xaafuun iyo degaannada hoos yimaada oo ay ku jiraan Hurdiye iyo Kartuush kuwaas oo dabaylo ku dhufteen islamarkaana ay dumeen gurya fara badan.
Biyaha badda oo kacay ayaa sidoo kale la tagay laashash iyo doonyo kalluumaysi inkastoo weli khasaaruhu isa soo tarayo oo aan xog sugan laga helin marka laga reebo wararka hordhaca ah.
Dhammaan degaannadan ayaa dadkii ka carareen waxaana qaarkood gudaha u galay biyaha badda oo joog-sare u kacay kadib Roobabka dabaylaha wata ee ku dhuftay xeebta.
PUNTLAND POST