Roob mahiiggaan ah oo aan wax dabayl ah wadan, ayaa saaka oo Isniin ah ka da’aya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Roobka oo weli da’aya ayaa daadad xooggan ka soo rogay buuraha iyo togagga u dhow Boosaaso, waxaana hakad ku jira isu-socodka gaadiidka ku safra laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaaso.
Xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, waxa saaka soconaya biyo fara badan, waxaana xaddidan dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka oo Roobku hakad geliyay.
Inta badan xarumaha Ganacsiga ayaa sidoo kale xiran, waxaana xaafadaha magaalada ka maqan Korontada.
Sidoo kale, ma jiro wax khasaare Roobku gaystay oo la soo weriyay ilaa iyo haatan.
PUNTLAND POST