
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa xalay Casho sharfeed u sameeyay qaar kamid ah musharrixiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya ee ka soo jeeda Galmudug.
Kulanka waxa ka qayb-galay musharrixiinta kala ah; Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow.
Kulanka waxa la sheegay, in uu ahaa mid ku saabsan maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalka iyo Arrimaha doorashada 2020/2021, inkastoo aysan faahfaahin kale ka bixin madaxtooyada Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.