
Garowe waa magaalo madaxda dowladda Puntland, waa magaalo aad u qurxan marka loo eego magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waa magaalo leh cimilo dhexdhexaada oo ku haboon deegaamaysiga, waana magaalo leh astaamihii iyo haybadii caasimadnimo.
Garoowe waa magaalada ugu waddooyin qurxan Soomaaliya waxayna leedahay qorsho magaaleed (Town-plan) aad u qurxan, waana magaalo dhinac walba aad uga kobcaysa.
Sidaas oo ay tahay ayaa hadana caasimadda Garowe waxaa ka jira baahi adeeg bulsho oo lagama maarmaan ah oo maamulku ka gaabiyay.
Magaalada Garawe habeenkii waa madow dahay, marka aan leenahay waa madow dahay, maahan in aysan koronto la ahayn, ee waxaysan la hayn nalalka iftiinka ee dadweynaha ee lagu xiro waddooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka iyo mugdiga ah.
Dowladdii uu hoggaaminayay Cabdiraxmaan Faroole iyo shirkadda korontada Garowe ayaa mar iska kaashaday nalalka waaweyn ee iftiinka (Spotlights) oo lagu xiray waddooyinka magaalada iyo meela kale oo ahaa muhiim.
Balse nasiib darro markii dowladdii Faroole meesha ka baxday, waxaa iyana meesha ka baxay iftiinkii magaalada, waxaana damay nalalkii iftiinka ee ku xirnaa waddooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka ah, waxayna magaaladu noqotay mid habeenkii madow, marka laga reebo nalalka yar yar ee u baxa goobaha ganacsiga.

Mar kale ayay Garowe fursad u heshay iftiinka waddooyinka, markii laga hirgaliyay mashruuc ileyska cadceedda ku shaqeeya oo ay maalgelisay hay’adda SSF (Somali Stability Fund). Shan (5) waddo iyo goobo kale oo gaar ah ayaa lagu taxay boqolaal xabo oo layrarka cadceeda ku shaqeeya ah (Solar System). Mashruucaas waxaa xariga laga jaray bilowgii 2016, basle sannado kadib barnaamijkaasi wuxuu u baaba’ay dayactir la’aan iyo daryeel la’aan.
-
Nalalka cadceeda mar laga hirgaliyay Garowe, basle aan hadda shaqeyn
Garowe oo maalin maalinta ka dambeysa sii kobcaysa ayaa hadda la hayn nalalka iftiinka waddooyinka, waxaana habeenkii magaalada laga dareemaa mugdi iyo baahi iftiin oo weyn.
Caasimadda Garowe waxay u baahan tahay nalalka iftiinka ee gaduudan, kuwaas oo kor u qaada bilicda, amniga iyo ganacsiga.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.