Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay maanta gaaay  magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlad Goboleedka Koonfur galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaadan doona masuuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur galbeed si uu uga dhagaysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka.

PUNTLAND POST