Gaadiid Xamuul ah oo xalay isku baaba’ay jidka u dhexeeya Garoowe iyo Qardho

Wararka ka imaanaya Tuulada lagu magacaabo Shire Dhogor-libaax, oo ku taalla xadka kala qeybiya Gobollada Nugaal iyo Karkaar, ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay shil gaadiid oo khasaare kala duwan gaystay.

Ilaa shan gaari oo Xamuul ah, ayaa lagu soo warramayaa in ay isku dhaceen saqdii dhexe ee xalay, xilli ay marayeen Tuulada Shire oo qiyaastii 150KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Garoowe, halka ay Qardho Koonfur ka xigto 52KM.

Gaari Caga-badan ah ayaa ku dhacay saddex Waaraad iyo gaari kale oo nooca Tallaagadaha kalluunka qaada ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay laba ruux oo keliya, halka ay ku baaba’day hanti fara badan.

Maydka mid kamid ah dadka dhintay ayaa weli ku hoos jira gawaarida dhacday midkood, waxaan socda dadaal lagu doonayo in maydka looga soo saaro gaariga hoostiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ilaalada Waddooyinka Puntland.

Shilalka gaadiidka, ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku soo badanaya Laamiga dheer ee xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, gaar ahaanna inta u dhexaysa Qardho iyo Garoowe.

Labadii shil ee u dambeeyay ayaa ka dhacay demada Dangoroyo iyo Tuulada Libaaxo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST