Dowladda Norway oo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay tallaabo ay qaadday Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway

Dowladda Norway ayaa war rasmiya ka soo saartay xukun dil ah, oo maxkamad ku taalla Somaliland ay ku ridday muwaaddin haysta Dhalashada Waddanka Norway.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo Shalay kulan la yeelatay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Oslo, ayaa ku wargelisay in aan la aqbali Karin dilkaas, waxaana ay dalbatay in Maamulkiisu aysan fulin Xukunka.

Waxaan Kulanka ugu gudbinay farriin cad, oo qeexaysa in xukunka dilka ah, uu yahay mid aan la aqbali Karin, waajibna ay tahay in aan la fulin, islamarkaana muwaaddinkeenna uu maro hababka caadiga ah ee Qaanuunka” ayay tiri Wasiir Ine Eriksen Søreide

Codsigaas dowladda Norway ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii Somaliland xukun dil ah ku ridday nin da’diisa lagu sheegay 54-sano jir oo haysta dhalashada Norway, kaas oo ku eedaysan in uu kas u dilay nin kale.

PUNTLAND POST