Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay magaalada labaad ee ugu weyn Gobolka Tigray

Dowladda Ethiopia ayaa Sabtidii shalay shaacisay, in ay gacanta ku dhigtay magaalada labaad ee ugu weyn Gobolka Tigrayga ee Adigrat, kadib dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Ciidamada dowladdu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Adigrat, islamarkaana ay haatan ku sii jeedan caasimadda Gobolka Tigray ee Mekele.

Xoogagga Tigreega ayaa dhankooda Ciidamada dowladda Ethiopia ku eedeeyay, in ay dad Rayid ah ku dileen dagaal ka dhacay gudaha magaalada Adigrat balse kama hadlin cidda haatan gacanta ku haysa magaaladaas.

Sidoo kale, weli ma jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay sheegashada dowladda Ethiopia ee ku saabsan, in ay gacanta ku dhigtay magaalada labaad ee ugu weyn Gobolka Tigray (Adigrat).

PUNTLAND POST