Abiy oo si cad u diiday Ergo Midowga Afrika u saartay dhex-dhexaadinta Ethiopia iyo TPLF

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa si cad u diiday ergo dhex-dhexaadin ah oo Midowga Afrika u saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan gudaha Ethiopia, gaar ahaanna Gobolka Tigreega.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy, ayaa lagu sheegay in dowladda Ethiopia aysan marnaba wada-hadal la geli doonin canaasiir danbiilayaal ah oo doonaya in ay dhantaalan midnimada dalka.

Sidoo kale, wuxu beeniyay in Ethiopia ay booqan doonaan Ergada Midowga Afrika u saaray dhex-dhexaadinta dowladda iyo xoogagga TPLF, si loo joojiyo dagaalka ka socda Gobolka Waqooyi ee Tigray.

Waa been-abuur, wararka la wareejinayo ee sheegaya in ergo u safri doonto Ethiopia, si ay u dhex-dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo canaasiirta danbiilayaasha ah ee TPLF” ayaa lagu yiri war laga soo xigtay barta Twitter-ka Xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy.

News circulating that the envoys will be traveling to Ethiopia to mediate between the federal government and TPLF criminal element is fake

PUNTLAND POST