Xarunta hay’adda Garsoorka Puntland oo laga dhagax-dhigay Garoowe

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaal, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, Taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulinaya Dowladda Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

PUNTLAND POST