Musharrax Khayre oo raalli-gelin buuxda siiyay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, haatana u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Kulanka labada mas’uul oo socday mudda saacado ah,  waxaa diirada lagu saaray sidii xal buuxa looga gaari lahaa xaaladdii siyaasadeed ee ka dhalatay weerarkii dowladda Federaalka ku qaaday Guriga Cabdiraxmaan C/Shakuur 17-kii December 2017-kii, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Musharrax Xasan Cali Kheyre, oo kulanka kadib Qoraal soo saaray, ayaa si cad u xaqiijiyay in uu raalli-gelin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo lagu  dilay qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.”

Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa.” Ayuu yiri Musharrax Xasan Cali Khayre

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay raalli-gelintii uu siiyay Ra’iisul  Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa Mas’uuliyiinta kale eek u lug lahaa weerarka wuxu ka dalbaday in ay raalli-gelin bixiyaan.

PUNTLAND POST