Gaalkacyo: Booliiska Puntland oo qabtay shakhsiyaad lagu tuhunsanyahay Qaraxii xalay

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay shakhsiyaad lala xiriirinayo weerar Bambaano oo xalay lagu qaaday Ciidanka, kaas oo khasaare kala duwan gaystay.

Saraakiishu waxay sheegeen, in Qaraxaas kadib gacanta lagu dhigay ilaa saddex ruux oo lagu tuhunsanyahay, in ay ka dambeeyeen Bom-gacmeedka, islamarkaana ay haatan baaritaan ku wadaan shakhsiyaadkaas.

Hal qof oo shacab ah ayaa xalay ku dhintay, laba askarina waa ku dhaawacmeen, Bom-gacmeedka oo lagu tuuray ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland, xilli ay xaafadaha Gaalkacyo ka wadeen hawlgal roondayn ah oo lagu xaqiijinayay Amniga.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxii xalay, balse Al-shabaab ayaa looga bartay weerarada noocaas oo kale ah.

PUNTLAND POST