Gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada

Wararka ka imaanayo dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xalay gantaallo lagu garaacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahirdar xilli uu dagaal ka socda gobolka Tigray,sida ay ku warrantay warbaahinta gobolka Amxaarada.

Waa markii labaad oo gantaallo lala beegsado Bahirdar tan iyo markii labo toddobaad ka hor ay dagaallada ka qarxeen Tigray.

Warbaahinta gobolka waxay ku warrantay in gantaallada ay soo tureen dagaalyahanada TPLF inkasta oo warkaas aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin.

Waxa lagu soo warramayaa in gantaallada aysan wax khasaare ah ka geysanin magaalada.

Dhowaan ayay aheyd markii maamulka TPLF ay xaqiijiyeen in gantaallo ay ku garaaceen Eritrea.

PUNTLAND POST