Xanuunka COVID-19 oo si ba’an ugu soo laba-kacleeyay Maraykanka

In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida laa soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha COVID-19.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil oo xanuunka corona ay ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen xanuunka.

Magaalada New York, waxaa la xirey dugsiyada, si loo xakameeyo faafidda xanuunkaas  safmareenka ah ee coronavirus.

Arbacadii, Maraykanka, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

PUNTLAND POST