Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka laga helayo degaan lagu magacaabo Lafoole oo ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xooggan.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in lala beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaan weli faahfaahin sugan laga helin balse wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa kadib waxa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo hawlgal ka wada nawaaxiga Qaraxu ka dhacay.

PUNTLAND POST