
Taliyaha ciidanka Itoobiya General Berhanu Jula ayaa ku eedeeyay Agaasimaha guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus in uu xiriir la leeyahay oo uu la shaqeeyo kooxda TPLF oo dowlada Itoobiya dagaal kula jirta.
General Berhanu Jula ayaa tilmaamay in madaxa hay’adda Caafimaadka aduunka ee (WHO) uu sameeyay wax kasta oo uu ku taageeri karo TPLF oo uusan waxba reeban, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeeyey siddii ay hubi ku heli lahayeen TPLF.
Hey’adda Caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WHO) weli kama jawaabin eedeynta culus ee loo jeediyay Agaasimaha guud ee hey’adda Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Tedros Adhanom Ghebreyesus Agaasimaha guud ee (WHO), ayaa ka hor xilka Agaasimha ee (WHO), wuxu wasiir ka soo noqday Itoobiya ee waqtigii TPLF ka talinaysay dalkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.