
Alle ha u naxariistee, waxa maanta oo Khamiis ah waddanka Turkiga ku geeriyooday, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, oo kamid ahaa Isimada waaweyn ee degaannada Puntland.
Geerida marxuumka, waxa Puntland Post u xaqiijiyay xubno ka tirsan Qoyskiisa iyo mas’uuliyiin dowladeed, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa.
Garaadka oo ahaa Af-hayeenka Isimada Puntland, ayaa lagu xasuustaan doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay Nabadaynta iyo Dib u-heshiisiinta Puntland, gaar ahaanna xilliyo ay socdeen colaado halis geliyay jiritaanka dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.