Dowladda Soomaaliya oo tirtay Warkii ay ka soo saartay Xaaladda Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa barteeda Twitter-ka ka saartay war ku saabsan colaadda ka aloosan gudaha Itoobiya, kaas oo ay ku caddaysay mowqifkeeda xiisadda Itoobiya.

Qoraalkaas ayaa xukuumadda Soomaaliya taageero ugu muujisay midnimada dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana ay ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda ka taagan Gobolka Tigreega.

Ha yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa qoraal uu goor dambe soo saaray ku sheegay, in uusan jirin war rasmiya oo dowladda Soomaaliya uga hadashay colaadda Itoobiya.

Wasiir Cawad, ayaa sheegay in Qoraalka ku saabsan xiisadda Itoobiya ee la wareejinayo uusan ahayn mid ka turjumaya mowqifka dowladda Soomaaliya, sidaas darteedna uusan sax ahayn.

PUNTLAND POST