Addis Ababa (PP) — War ku saabsan amar lagu soo xirxirayo saraakiil ayaa laga sii daayay Raadiyo Addis Ababa. Dowladda Itoobiya ayaa amartay in la soo xirxiro 76 sarkaal oo lagu eedeeyey khayaano qaran.

Waxaa saraakiisha ka mid ah Gebregziabher Alemseged (oo Soomaalidu u taqaan Jeneraal Gabre) iyo Gaashaanle sare Asmelash Woldemihiret oo mar ahaa Qunsulkii Itoobiya u fadhiyay Garoowe.

Labadan sarkaal waxay ka mid yihiin saraakiil ku go’doonsan Tigray oo ay dowladdu ku qaadday guluf weyn.
Gebre iyo Asmelash waxay ka mid ahaayeen saraakiishii Itoobiyaanka oo Soomaaliya awoodda badan ku laha ka hor 2018kii, markaas oo uu isbddel siyaasadeed ka dhacay Itoobiya.

Wasiirkii hore ee Wasaaradsa Arrimmaha Dibedda Itoobiya ayaa dhowaan waraysi uu bixiyay ku baaqay in la afgambiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.