Guddoomiyaha Aqalka Sare oo soo saaray Habraaca Doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal ku soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu shaaciyay shuruudaha soo xulidda guddiyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Asteynta kuraasta xildhibaannada kasoo jeeda gobolada Waqooyi, habraaca xulista Ergooyinka dooranaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare, dhismaha maamulka sare ee degaan doorashada, korjogteynta doorashada iyo amniga Goobta doorashada.

Hoos ka akhriso Qoraalka oo Guddoomiyaha Aqalka sare

PUNTLAND POST