Xukuumadda Soomaaliya oo war ka soo saartay Colaadda ka aloosan Ethiopia

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo markii u horraysay war ka soo saartay xiisadda Colaadeed ee ka aloosan gudaha dalka Ithiopia ayaa taageeetay dowladda Ithiopia ee dagaalka kula jirta Xoogagga Tigreega.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaaa taageero loogu muujiyay Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee dagaalka kula jira  TPLF.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa inay ku garab taagan tahay dowladda Ethiopia ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ixtiraamka midnimada dhuleed ee Ethiopia.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Dagaalka gobolka Tigrayga ayaa billowday 4-tii November markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku eedeeyey TPLF in ay weerareen saldhig ciidamada federaalka ay ku leeyihiin gobolka, eedeyntaas oo TPLF ay beeniyeen.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageereyso midnimada Ethiopia in wada-hadal lagu dhammeeyo dagaalka.

Waxay intaas ku dartay, in ayada oo ah dal deris la ah dalka Ethiopia, ay diyaar u tahay inay taageeradeeda ku biiriso sidii dagaalka loo soo geba-gebayn lahaa.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST