Xubno ka dhimanaa guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed oo la magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha dowladda federaalka uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Ra’iisul Wasaaare Rooble ayaa mid saddex xubnood oo rag ah ku daray guddiyadii doorasbooyinka heer dowlad goboleed, taas oo ku cadeyd bayaankii heshiiskii doorashooyinka.

Saddexda xubnood ee guddiga doorashooyinka heer Puntland ku matala dowladda federaalka ayaa kala ah.

1. Ibraahim Siciid Saalax
2. Maxamed Caseyr Cabdulle
3. Ilyaas Maxamed Xuseen

Saddexda xubnood ee guddiga doorashooyinka heer Jubbaland ku matala dowladda federaalka ayaa kala ah.

1. Cabdi Jaamac Xasan
2. Cabdullaahi Jaamac Hiirad
3. Axmed Maxamed Xuseen

Saddexda xubnood ee guddiga doorashooyinka heer Galmudug ku matala dowladda federaalka.

1. Cabdiwali Nuur Faarax
2. Maxamed Xuseen Maxamed
3. Kamaal Salaad Xasan

Saddexda xubnood ee guddiga doorashooyinka heer Koonfur Galbeed ku matala dowladda federaalka.

1. Cabdullaahi Xasan Aadan
2. Ibraahim Xasan Maxamed
3. Aadan Cabdi Isaaq

Saddexda xubnood ee guddiga doorashooyinka heer Hirshabeelle ku matala dowladda federaalka.

1. Maxamed Warsame Sandhool
2. Cadbisalaam Maxamed Xaaji Ciise
3. Maxamed Mukhtaar Cali

PUNTLAND POST