Baarlamanka waddanka Turkiga, ayaa shalay ogolaaday in dowladda Turkigu Ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso Gobolka Nagorno-Karabakh, si ay ula socdaan dhaqan-gelinta Heshiiska xabad-joojinta Armenia iyo Azerbaijan
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii weydiistay baarlamanka in ay ansixiyaan ciidamo loo dirayo dalka Azerbaijan, si loo dhaqan-geloyo Xabad-joojinta Nagorno-Karabakh.
Heshiiska Xabad-joojinta Azerbaijan iyo Armenia oo la saxiixay toddobaadkii tegay waxaa ka shaqeeyey Ruushka, kadib dagaalkii dhexmaray labada dowladeed
Ciidamada Turkiga uu dirayo ayaa dalkaas joogi doona muddo hal sano ah, waxaana tiradooda go’aan ka gaari doona Madaxweyne Erdogan.
PUNTLAND POST