Sacuudi Carabiya oo walaac xooggan ka muujisay Tallaabo ay qaadday Israa’iil

Boqortooyada Sacuudiga ayaa walaac xooggan  ka muujisay tallaabo ay qaaday Israa’iil oo degaano hor leh ay uga sameyneyso magaalada Qudus.

Mas’uuliyiinta Israel ayaa ku casuumay qandaraaslayaasha in ay u tartamaan dhismaha 1,257 guri oo cusub oo laga sameynayo meel u dhow Bariga Qudus. Sacuudiga ayaa tallaabadan ku qeexay mid jebineysa qaraarada caalamiga ah.

Wasaaradda waxay xaqiijineysaa in boqortooyada Sacuudiga ay cambaareyneyso islamarkaana diidan tahay tallaabadan, oo jebineysa qaraarada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda.

Israel ayaa Axaddii u dhaqaaqday qorshe degaamayn ah, taasi oo lagu qeexay mid la dedejinayo, kahor inta uusan maamulka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ee Joe Biden uusan talada la wareegin, ayada oo laga cabsi qabo inuu ka hor-yimaado.

Dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, iyo Sudan ayaa horraantii sanadkan heshiisyo ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelanayaan la galay Israel.

PUNTLAND POST