Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo daahfuray barnaamijka aaladeynta manhajka Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xigeemka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliiya ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday xarunta Murtida iyo Madadaalada oo lagu maamuusaayey mahadnaqa qorayaasha iyo daahfurka aaladeynta manhajka qaranka .

Xafladdaan oo ay soo qabaanqaabiyeeen Wasaaradda waxbarashada , ,waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah mmmulada Jaamacadaha,dugsiyada,ururada bulshada,ardayda iyo marti sharaf kale,iyadoo si gaar ah loogu mahadnaqay maamulka iyo qorayaasha Shirkadda Beder oo daabacday barnaamijka  aaladeynta manhajka qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlay xafladdii manta ayaa ugu horeyntii mahadcelin halkaasi uga jeediyay maamulada Wasaaradda Waxbarashada,Shirkadda Beder iyo aqoonyahanadii ka qeybgalay dhismaha manhajka iyo daabacaadda ee habka aaladeynta manhajka qaranka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenku waxa uu ka dhawaajiyay in sameynta aaladeynta manhajka uu qeyb ka yahay dadaalada ay wadaan dowladda Federaaka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,sidaa daraadeedna loo bahan yahay in horay loogu socdo wadada horumarka.

Dhinaca kale, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  oo ka faa’ideysanaya fursadda xafladdaan ayaa ka jawaabey hadaallo kal hore ka soo yeeray dowladda Kenya ,isagoo sheegay in bulsgada Soomaaliyeed iyo xukuumadeeduda ay diyaar u yihiin dhismaha dowlad ku timaada rabitaankooda,balse aan ku imaan fikrado shidheeye.

 Xafladdaasi waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee isu taagay diyaarinta manhajka iyo aaladeynta manhajka.

PUNTLAND POST