Maraykanka oo Liiska Argagixisada ku daray laba Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, ayaa liiska Argagixisada ku dartay laba sarkaal oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Labadaas horjooge, oo lagu kala magacaabo Cabdulaahi Cusmaan Maxamed iyo Macallim Ayman, ayaa haatan ka tirsan hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in Cabdulaahi Cismaan oo loo yaqaanno Injineer Ismaaciil uu yahay khabiir kooxda Al Shabaab u qaabilsan samaynta qaraxyada.

Ninka labaad ee liiska Argagixisada lagu daray, oo ah Macallin Ayman ayaa hoggaamiyaha waxa lagu magacaabo Jaysh Ayman oo u qaabilsan shabaabka in ay fuliyaan werrarada Somalia iyo Kenya.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Macallim Ayman uu ahaa ninkii mas’uulka ka ahaa weeerarkii bishi Janauary ee 2020-ka lala beegsaday xerada Camp Simba ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay askari Maraykan ah iyo laba qandraasle oo iyaguna u dhashay Maraykanka.

PUNTLAND POST