Waaxda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa shaacisay, in iyada oo la tixraacayo amarka madaxweyne Trump, todobaadyada soo socda dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan laga soo saari doono qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka.
Saraakiishu waxay sheegeen, in dalka Afgaanistaan laga soo saari doono ilaa laba kun oo oo askari oo ka mid ah ciidanka millatariga Maraykanka, halka dalka Ciraaq laga soo celi doono shan boqol oo kale oo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Mareykanka.
Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, ayaa sheegtay in amarka madaxweynaha la fulin doono, inta ka horaysa munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub oo qabsoomi doonta horaanta sanadka cusub ee 2021.
Sii hayayaha xilka Xogahayaha Difaaca ee Maraykaka ayaa shaaciyay, in qorshuhu yahay in 15-ka bisha Janaury ee sanadka cusub ay noqoto tirada ciidamada Maraykanka ah ee ku suganaan doonaCiraaq iyo Afghaqnistan min laba kun iyo shan boqol oo askari.
PUNTLAND POST