
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa gelinkii dambe ee shalay Boosaaso ku soo dhowaysay 49 Qoys, oo ka soo cararay colaadda waddanka Yemen.
49 Qoys oo dhammaantood Yemeniyiin ah, waxa loo sii gudbiyay Xarun qaabilsan diiwaan-gelinta Qaxootiga, oo ku taalla gudaha Boosaaso, islamarkaana ay maamusho Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Qaxootiga ka yimaada dhinaca Yemen, ayaa mudda todobaad ah lagu hayaa xarunta Qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso, halkaas oo diiwaan-gelin loogu sameeyo, ka hor inta aan la dejin.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa muddooyinki u dambeeyay qaabilsaysay Qoysaska Qaxootiga ah, ee ka imaanaya dhinaca waddanka Yemen kuwaas oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.