Magacyada saddex Horjooge oo Kumaandooska DANAB ka qabteen Al-shabaab

Taliska Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku qabteen saddex Horjooge oo ka tirsan Al-shabaab.

Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay Taliska Kumaandooska DANAB, in saddexda Horjooge lagu qabtay Hawlgal qorshaysan oo laga fuliyay Gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan.

Saddexda Horjooge; waxay kala yihiin Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali, Horjoogihii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow iyo Horjogihii Sakawaadka Al-shabaab ee Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe Cabdullahi Isxaaq Xuseen.

Sidoo kale, Hawlgalka waxa lagu burburiyay Xarumo kala duwan, oo Al-shabaab ku lahaayeen Gobollada Shabeellooyinka iyo Hiiraan, halkaas oo ay ka abaabuli jireen weerarada ka dhan ka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

PUNTLAND POST