
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafdigan oo isugu jira Agaasimeyaal, la taliyeyaal iyo xubno farsamo, ayaa Garoowe kaga qeybgalay Shirka iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo la isku weydaarsanayo khibradaha shaqo iyo habka maamul ee Hay’addaha Dowladda.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Timacade iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaraddaha Puntland oo ay isku shaqo yihiin Agaasimeyaasha ka socda Koonfur Galbeed.






PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.