Wasiirkii Arrimaha Dibadda Suuriya oo geeriyooday

Telefishinka dowladda Suuriya, ayaa saaka oo Isniinta ah shaaciyay, geerida Waliid Al-Mucallim, Ra’iisul wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalkaas

Wakaaladda Wararka Suuriya ee ‘SANA’ ayaa sheegtay, in uu geeriyooday Ra’iisul wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirkii Arrimaha Dibadda Waliid Al-Mucallim.

Al-Mucllim wuxa uu caasimadda Demishiq ku dhashay July 17, 1941,  waxaana uu la wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya bishii Febraayo 11, 2006.

Mr Waliid wuxu wax ku bartay iskuulada dowliga laga soo bilaabo 1948 ilaa 1960, markii uu ka qaatay shahaadada dugsiga sare Tartous.

Intaa ka dib, wuxuu ku biiray Jaamacadda Qaahira oo uu ka qalin jabiyay 1963 BA cilmiga dhaqaalaha iyo Sayniska, waxaana uu ka mid ahaa ragga tiir dhexaadka u ah maamulka Bishaar Al-asad

PUNTLAND POST