Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar ayaa Magaalada Dooxa kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Qaramada Midoobey kuna saleysan dhinacyo kala duwan.
Sidoo kale kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Qatar James Swan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xiriirka Iskaashi eek a dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya.
Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn weyn iyo door siyaasadeed oo maxalli ah ku leh Arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxaana labada dowladooda ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.
PUNTLAND POST