Shirka Amniga Gobolka Mudug oo looga hadlay qodoba muhiim ah

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo, waxa shalay ka qabsoomay Shir ku saabsan dardar-gelinta Amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan degmooyinka Gobolka Mudug ee Puntland.

Shirka waxa ka qayb-galay, dhammaan Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkaas waxa looga hadlay dardar-gelinta Amniga Gobolka Mudug, xoojinta wada shaqaynta hay’adaha Dowladda iyo bulshada iyo Dardar-gelinta howlaha shaqo ee Horyaala Guddiga Amniga Gobolkaas.

Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, waxa muddooyinkii u dambeeyay ka socday hawlgalo lagu xaqiijinayo Amniga, oo ay fulinayaan Laamaha kala duwan ee Ciidamada, oo kaashanaya hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.

PUNTLAND POST