Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dangoroyo

Marxuum Cabdulqaadir Xoreeye

Wararka ka imaanaya degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 114km dhanka bari kaga beegan caasimadda Garoowe, ayaa sheegaya in halkaasi uu gelinkii dambe ee xalay ka dhacay shil gaari oo dhimasho iyo dhaawac gaystay.

Gaari nooca Raaxada ah, oo ay saarnaayeen shan ruux, ayaa gelinkii dambe ee xalay ku rogmaday nawaaxiga Dangoroyo, waxaana ku dhintay laba nin, halka uu ku dhaawacmay hal ruux, laba Kalen ka badbaaday.

Labada marxuum ee shilka ku geeriyooday, waxa ku jiray askari ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo magaciisu ahaa Cabdulqaadir Xoreeye Gamboon, halka marxuumka kale oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shiine Birjeeb uu ahaa qof rayid ah.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, oo haatan ku sugan goobta shilkaasi ka dhacay, ayaa halkaas ka wada baaritaan la xiriira waxa sababay Shilka.

PUNTLAND POST