Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Buuraleyda Gobolka Bari

Cutubyo ka tirsan Ciidanka PSF, oo ay weheliyaan ururka Galayr ee Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa hawlgal qorshaysan oo lagu xaqiijinayo Amniga, waxay ku tageen tuulooyin ku yaalla Buuraleyda Gobolka Bari.

Qoraal ka soo lagu daabacay bogga Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay Buuraleyda Ceel Onkud iyo mudug oo qiyaastii 45km dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale, Tuulada Karin ayaa kamid ah meelaha Ciidanku ay ka fuliyeen Hawlgalkaas, oo lagu raad-goobayay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaysta Buuraleyda Gobolka Bari, islamarkaana dagaal kula jira Ciidamada Puntland.

Buuraleyda Gobolka Bari, waxa ka socda Hawlgalo ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Difaaca Puntland, kuwaas oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST