
Dowladda Ethiopia ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in Tigreegu ay Jimcihii shalay gantaalo ku garaaceen Laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Ethiopia.
Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gondar islamarkaana burburiyay halka gantaalka labaad uu isna ku dhacay meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bahir Dar.
Dawladda Ethiopia ayaa ku eedaysay Tigreega in ay isticmaalayaan hubkii ugu dambeeyay ee gacantooda ku jiray sida lagu daabacay bogga Twitter-ka ee ciidanka gurmadka degdegga ah ee Ethiopia.
Ciidanka Ethiopia ayaa muddo ka badan toddobaad dagaal kula jira xoogagga maxalliga ah ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.
Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo markii 4-tii November uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka Milateriga dalkaas in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.