Imaaraadka oo beddelay Sharciyo Diinta Islaamka Ku Salaysnaa

Dubai (Wararka PP) — Dalka Imaaraadka Carabta ayaa tirtiray dhowr sharci oo diinta Islaamka ku salaysanaa si dalku u qaado toobiyaga ‘calmaaniyada’, sida uu wariyay Wargeyska Financial Times.

Cabista khamriga shati la’aan, iyo lammaane wada nool guur la’aan ayaan noqon doonin dambi. “Tallaabooyinkan, oo si gaar ah wax u tari doona dadka shisheeyaha ah ee ku nool dalka shidaalka ka hodmay, waxaa keenay dib-u-eegis sharciyeed oo laba sano socday, sida sarkaal uu sheegay” ayuu wargeysku qoray.

Covid-19 ayaa saameeyay dhaqaalaha Imaaraadka uu ku tiirsanaantiisa shidaalka lagu yaraynayo isku-dhaf dhaqaale.

“Dalka Imaaraadka Midoobay ee Carabta ayaa mar kale muujinaya awooddiisa inuu soo jiito malaayiin qof oo ka kala imanaya dunida si ay uga shaqeeyaan uguna noolaadaan halkan” ayuu wargeyska The National ku faallooday.

Covid-19 ayaa saameeyay dhaqaalaha Imaaraadka ka sokow qorshayaashii jiray si dalku u yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka isku-dhaf dhaqaale kaddib. Tobankii qof oo ku nool Imaaraadka sagaal baa shisheeye ah.

Ku casriyeynta bulshada waxbarashada iyo ballaarinta xuquuqda haweenka ayaa ah laba siyaasadood oo Imaaraadku qaatay si uu ugu babacdhigo Xagaagii Carabta lagu riday dhowr talis.

© Puntland Post, 2020