Hay’adda Cilmi Baarista Heritage oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, ayaa si adag uga digtay in lagu shubto Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee 2020/2021.
Warbixin ay soo saartay hay’adda Heritage, ayay ku sheegtay in dhammaan xubnaha kala duwan ee loo magacaabay Guddiyada Arrimaha Doorashada 2020/2021 ay yihiin askar iyo shakhsiyaad daacad u ah Villa Somalia.
Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah Agaasimaha hay’adda soo saartay warbixinta ee Heritage, ayaa sheegay in xubnaha Guddiyada Doorashada laga soo xulay Xafiisyada Villa Somalia, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Laanta Socdaalka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxu tilmaamay in dhammaan xubnaha Guddiyada Arrimaha Doorashadu ay daacad u yihiin Villa Somalia, islamarkaana ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna aan looga fadhin in ay qabtaan doorasho xalaal ah.
Mr. Cabdirashiid Khaliif, wuxu dalalka iyo ururada ku midaysan Beesha Caalamka ka dalbaday, in aysan la shaqayn Guddiyada loo magacaabay Arrimaha Doorashada 2020/2020, isagoo uga digay in aysan gacan-siin shakhsiyaadka doonaya in ay ku shubtaan Doorashada.
PUNTLAND POST