Dowladda Itoobiya oo gudaha Soomaaliya kala baxaysa kumanaan askari

Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya kala baxaysa in ka badan saddex kun oo askari kuwaas oo xoojin u ahaa Ciidamada AMISOM sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan Milateriga dalkaas ilaa saddex kun oo askari ay dhowaan ka soo saarayaan gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidamada laga soo saarayo Soomaaliya la doonayo in ay ka qayb-qaataan hawlgalka ka dhanka aha Tigreega ee ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Balse weli waxa gudaha Soomaaliya sii joogi doona ilaa shan kun oo Ciidamada Itoobiya ah kuwaas oo ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST