Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan ayaa ballan-qaaday in afarta sanno ee soo socota ay ka shaqayn doonaan Hirshabeelle xasilloon oo aan mooshin iyo is-qab qabsi lahayn.
Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii laga soo qabtay doorashada ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin.
Sidoo kale wuxuu bulshada ugu baaqay in la is garab-taago maamulka cusub ee Hirshabeelle oo aan halkaas lagu joojin wada-shaqaynta ee hore loo wado si loo gaaro guulo kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in hamigoodu yahay Hirshabeelle oo amni iyo barwaaqo ah islamarkaana ka maran buuq iyo is-qab-qabsi.
PUNTLAND POST