Booliiska Puntland oo Boosaaso ku dilay laba dhalinyaro ah

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa xalay Boosaaaso ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaal xaafadeed dhexmaray dhalinyaro Laba Garab ah, oo ku dagaallamay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Qaybta Gobolka Bari, oo doonayay in ay xir-xiraan dhalinyarada dagaallamay, ayaa sida la sheegay Rasaas xooggan u adeegsaday dhalinyarada, taas oo sababtay geerida labada marxuum, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal.

Sidoo kale, Booliiska ayaa xabsiga dhigay tiro kamid ah dhalinyaradii dagaallantay, kuwaas oo laba xaafadood isu diriray, islamarkaana qaarkood dhaawacyo qabaan, halka qaar kalena aan weli gacanta lagu dhigin.

Magaalada Boosaaso, waxa mararka qaarkood ka dhaca dagaal xaafadeedyo abaabulan, oo dhexmara dhalinyarada ku nool xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, inkastoo mudooyinkii u dambeeyay ay Booliisku gacan adag ku qabteen Amniga magaalada.

PUNTLAND POST