Dowladda Beljimka ayaa ceyrisay 5 qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxa laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.
Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.
Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay in ay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta.
Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs.
PUNTLAND POST