Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo heshiis kala saxiixday

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana heshiiskaan uu la xariiraa  barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aya goob joog ka ahaa heshiiska, waxaana qoraal uu soo saaray uu ku sheegay in heshiiskani uu yahay mid muhiim u ah Soomaaliya.

Waxaan maanta goobjoog u noqday saxiixa iyo bilowga wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Waxaa heshiiska saxiixay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya  Mudane Nicolas Berlanga. Waxaan rajeynayaa in barnaamijkani wax badan ka taro koboca dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

PUNTLAND POST