Kismaayo (Faallo) — Dagaalka ka qarxay Itoobiya wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliya ku qasbay inay isha ka eegaan. Siyaasiyiinta qaarkood waxay u arkaan guul Abiy Axmed ka gaaro dagaalka mid sii xoojinaysa xiriirka siyaasadeed uu la leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku tiirsan ilaa xad ciidammada Itoobiya. Waa sababta siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaashu uga aamuseen colaadda ka taagan Itoobiya.
Itoobiya waa dal isku shaacbixiyay waxa loo yaqaanno Dagaalka ka Dhanka ah Argagixisada markii Ururkii Maxkamadaha Islaamku ku baaqeen dagaal diimeed ka dhan Itoobiya kuna tilmaameen dowladdii ku meelgaarka ‘maqaarsaar’.

Taageerayaasha TPLF waxay ku doodeen in Maraykanku ka abaaldhacay inkastoo Itoobiya shaqo uga qabatay Soomaaliya. Danaha Maraykanka iyo beerlaxawsiga TPLF baa iska horyimid. TPLF xiriir dhow bay la lahayd dowladdii federaalka (2012-2017). Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis laba-geesood ah ku soo celisay ciidanka Itoobiya jebisayna heshiiskii Itoobiya Soomaaliya lagaga saaray.
Aamusnaanta siyaasiyiinta Soomaaliya baa loo arki karaa bisayl waayo Soomaaliya iyadaaba la rafanaysa dhibaatooyinkii burburkii dowladdii dhexe dalka uu dhaxalsiiyay afgambigii taliskii militariga sanadkii 1991kii kaddib .
Soomaali badan baa isa su’aalay sida dowladaha Galbeedku uga hadleen dagaalka Itoobiya. Midowga Yurub wuxuu ku tilmaamay dagaalka mid halis gelin kara nabadda Geeska Afrika. Soomaalidu badankeed way illoobeen in Janaayo 1992kii xarunta Qaramada Midoobay ee New York lagu kulansiiyay ergo ka kala socotay Jeneraal Ceydiid iyo Madaxweyne Cali Mahdi. Waa markii dagaalkii seddexda bilood uu socday.
Sanadkii 1992kii bartamihiisii ayay dunidu ku baraarugtay macaluushii ku habsatay Soomaalida kaddib markii maleeshiyadii Jeneraal Ceydiid iyo Axmed Cumar Jees hor istaageen gargaarkii loo geyn lahaa dadka macaluushu ay saameysay. Khudbaddii Madaxweyne George Bush jeediyay Diseembar 1992kii wuxuu ku xusay in ujeeddada farogelinta aadaminimo tahay mid lagu furayo jidadka si gargaarka loo gaarsiiyo dadka macaluusheysnaa.
Dagaalka hadda ka socda Itoobiya wuxuu muujiyay in siyaasiyiinta Soomaaliya ku mideysan yihiin aamusnaan sida ay ugu mideysan yihiin taageeridda biyoxireenka Itoobiya dhisatay iyadoo jebisay xeerarka kheyraadyada la wadaago.
Aragtida ku cabbiran qormadan waxay gaar u tahay qoraha.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.