
Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland ay ka fuliyeen Gaalkacyo, ayay ku qabteen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilal kala duwan ka gaystay gudaha magaalada, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in gacanta lagu dhigay shabakaddii Al-shabaab u qaabilsanayd dilalka Gobolka Mudug, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka kooban todoba xubnood, islamarkaana ay ku jiraan laba Amiir.
Shabakadda la qabtay ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Gaalkacyo tan iyo sannadii 2018, waxaana weli ku socda baaritaan, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland.
Saraakiishu waxay sidoo kale tilmaameen, in ay dib ka shaacin doonaan magacyada xubnaha la qabtay, oo ay ku jiraan laba Amiiro oo muhiim ah, kadib markii ay soo geba-gabowdo natiijada baarista, dabadeedna ay u gudbin doonaan maxkamad ciidan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.