Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen, qarax miino oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Qarax oo ahaa miino dhulka la geliyay, ayaa ku qarxay kolonyo ka tirsan Ciidamad dowladda Soomaaliya, oo marayay degaanka lagu magacaabo Sina-dhaqo, kaas oo ku yaalla duleedka Dhuusamreeb, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.
Qaraxa ayaa sida la sheegay haleelay gaari ciidan, oo ay saarnaayeen askarta khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca la kulantay, waxaana goobta ku burburay Gaariga miinadu la kacday.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxas, balse Al-shabaab ayaa looga bartay Qaraxyada noocaas oo kale.
PUNTLAND POST