12 musharrax oo qaaddacay Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal wadajir ah ka soo saaray Arrimaha Doorashooyinka 2020/2021.

Qoraalka ka soo baxay Musharaxiintan oo gaaraya 12 musharrax  waxa ay ku qaadaceen in ay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen in ay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

Musharaxiinta Qoraalka soo saaray ayaa waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

Sidoo kale musharxiinta ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday inay si deg deg ah Guddiyada Doorashada uga saaran xubno ay ku sheegeen inay ka tirsan Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Musharrixiinta

PUNTLAND POST