Xiisad Ganacsi oo ka jirta degmada Buuhoodle

Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, waxaa ka aloosan muran u dhexeeya Ganacsatada waaweyn ee u dhashay Degaanka iyo Ganacsatada  yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo Buuhoodle looga yaqaan RRA.

Ganacsatada Reer Buuhoodle, ayaa doonaya in magaalada laga saaro Ganacsatada yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana dib loogu celiyo Gobolladii ay ka yimaadeen, kadib markii la xallin waayay muranka u dhexeeya labada dhinac.

Khilaafka labada dhinac ayaa ku salaysan qiimaha la siiyo badeecadaha kala duwan iyo dharka lagu iibiyo gudaha Buuhoodle, taas oo ay qiima aad u jaban ku iibiyaan Ganacsatada yar yar oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, halka Ganacsatada Degaanku ay ku iibiyaan qiima sare.

Ganacsatada u dhashay Degaanka, ayaa sheegaya in badeecooyinkoodii laga iibsan waayay, oo ay ku khasaareen, kadib markii loo leexday Ganacsatada yar yar oo qiima jaban wax ku iibiya,  sidaasi darteedna ay doonayaan in la joojiyo qiimaha jaban ee wax lagu iibinayo.

Balse, Ganacsatada yar yar ayaa dhankooda ku gacan-sayray codsiga la xiriira in ay joojiyaan qiimaha jaban ee ay wax ku iibiyaan, waxaana ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin qiimaha ay doonaan in ay wax ku iibiyaan.

Muranka labada dhinac ayaa sii xoogaysanaya, waxaana fashil ku dhammaaday dhex-dhexaadin ay wadeen Odayaasha iyo waxgaradka degmada Buuhoodle oo doonayay in arrintaas xal rasmiya laga gaaro.

PUNTLAND POST