Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku khaarajiyeen Horjoogihii guud ee Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadaha dagaallama Xasan Sufiyaan Qoorey.
Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Horjooge Xasan Sufiyaan Qoorey iyo lix ka tirsan dagaaallamayaasha Al-shabaab lagu dilay hawlgal qorshaysan oo Ciidanku ka fuliyeen degaanka Carabow oo qiyaastii 50KM u jira degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe.
Hawlgalkaas waxa fuliyay Ciidanka Kumaandooska ee loo yaqaanno DANAB kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo qorshaysan ku beegsaday xubno sare oo Al-shabaab ah islamarkaana ay ku jiraan horjoogayaal.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe kordhiyay howlgalada qorsheeysan ee ay ku beegsanayaan saraakiisha iyo dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab.
PUNTLAND POST