Madaxweyne Deni oo soo gaabiyay safarkiisi dibadda sababa la xiriira mooshinka ka socda Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo gaabiyay safar uu ku joogay magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga Imaaraatiga Carbeed, kadib markii uu dib u soo laba-kacleeyay mooshin culus oo ka dhan ah labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland.

Madaxtooyada Puntland, ayaa ogaatay in tan iyo xalay ay xildhibaanno badan saxiixeen mooshinka la doonayo in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Xil. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Xil. Ismaaciil Maxamed Warsame.

Mooshinka oo la kowsaday Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa bilowgii la kulmay fara-gelin xooggan oo uga timid Madaxtooyada, taas oo hor-istaag ku samaysay in mooshinka loo gudbiyo Fadhiga Golaha Wakiilada.

Waxaase mooshinku mar kale dib u soo laba-kacleeyay habeennimadii xalay, kadib markii ay saxiixeen xildhibaanno aad uga badan kuwii hore u soo gudbiyay, islamarkaana doonaya in ay Isniinta berri ah hor-geeyaan Fadhiga Baarlamanka.

Madaxweyne Deni, oo isna soo gaabiyay safarkiisi dibadda, ayaa Isniinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana la sheegay in uu iska soo hor-mariyay Taleefon, isagoo codsanaya in mooshinka dib loo dhigo inta uu ka imaanayo.

PUNTLAND POST